Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa hoos u dhigay cabsida laga qabo dhaawac cusub oo soo gaaray Mason Mount ka dib markii uu goor hore ka baxay kulankii EFL Cup ee Ka badiyeen Crystal Palace.
Xiddiga 24 jirka ah ayaa ku soo laabtay shaxda kooxda waxana uu ciyaaray kulankiisii 3-aad kadib markii uu muddo dhaawac kaga maqnaa garoomada.
Mount ayaa ka mid ahaa xiddigo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii ay ka badiyeen kooxda Crystal Palace.
Xiddiga reer England ayaa laga saaray ciyaarta qaybti nasashada ee ciyaarta taas oo keentay in ay taageerayaashu ka wal-walaan.
Si kasta ha ahaatee Ten Hag ayaa xaqiijiyay in ay qorshaysnayd in la badalo xiddiga reer England.
“Waxa uu ka soo laabanayaa dhaawac, waana in aan ilaalino”ayuu Ten Hag yidhi.

Related



Source link