Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa sheegay in Sofyan Amrabat uu galay khalad sabab u noqday goolkii ay Crystal Kaga badisay Man United.
United ayaa la kulantay guuldaradii 4-aad ee horyaalka premier League iyaga oo sidii ugu xumayd ku bilowday xilli ciyaareedkooda.
Crystal Palace ayaa gool ku hormartay daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta waxana goolka u dhaliyay xiddiga Joachim Andersen.
Xiddiga Sofyan Amrabat ayaa khalad ku galay xiddig Crystal Palace iyada oo kooxda Crystal Palace gool ka dhalisay khaladkii uu galay xiddiga Sofyan Amraba.
“Ugu horayntii, laadka xorta ah waxa aan u baahanahay in aan maamulno”ayuu Ten Hag yidhi.
“Sofyan Amrabat waxa uu galay khalad aan loo baahnayn, kadib waxa la soo karoosay kubad taasna si fiican umaanu difaacan”.

Related



Source link