Muqdisho (soomaalinews.com) – Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa dib ugu soo celiyay shaqadii ciidanka askar badan oo ka tirsan ciidanka asluubta.

Askartaan oo markii u horeysay aheyd 32, balse markii dambe korodhay, ayaa waxa uu hore u sheegay taliyaha inuu shaqada ciidanka uga saaray kadib markii ay ku cadaatay in ciidankaan ay isticmaalan waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa dib usoo celinta askartaan ku macneeyay, si loogu sameeyo dhaqan celin, kadibna ay hore kasii wataan shaqadii ay hayeen.

“Dib ayaa isugu noqonay ka saraakiil ahaan oo arrintii wax lag beddelo, ha lasoo xareeyo oo timaha ha laga xiiro oo kow kow aan kasoo bilowno. In aan aalkuliste rusqeynay umadda oo dhan raali ayay ka ahaayeen, oo waa nagu amaanayeen dowlad iyo shacab,” ayuu yiri Taliye Shub.

Saraakiisha ayuu faray in ciidanka dib loo soo celiyay ay xoogga saaran kala saaristooda, taasi oo uu sheegay in loogu go’aan qaadanayo inay kasii mid ahaadan ciidanka, gaar ahaan kuwa asluubta.

“Waa in gaararka laga istaago oo inta qoyan iyo inta qalalan lasoo kala saaro, oo si dhab ah oo waddannimo ku xisaabtameysaan oo qabiil ka fog micnaha. Macallimiin ayaa u sameynay dugsiga.”

Tababarka loo furay ciidankan lasoo celiyay ayaa billaabanay maalinta berri ah, sida uu shaaciyay Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub).

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya, xilli taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya uu muddooyinkii dambe dib u habeyn ku waday ciidanka asluubta, tan iyo markii dib loogu magacaabay xilkaan.





Source link