Trent Alexander-Arnold ayaa ka ciyaaray khadka dhexe kulankii uu xulka England guusha 4/0 ah ka gaadheen xulka Malta Todobaadkii hore.
Xiddiga Liverool ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta waxana u dhaliyay gool halka uu sameeyay furado badan.
Gareth Southgate ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku celiyo tijaabada.
“Kama cabsan doono inaan mar kale booskas ka ciyaarsiiyo”ayuu yidhi tababaraha England.
“Dabcan, waa inaan mar walba xasuusannaa heerka cida aan la ciyaarayno iyo tayada ay leeyihiin”.
“Wuxuu sameeyay wax kasta oo aan rajaynayno inuu samayn doono,waxa uu booska ula qabsaday”.

Related



Source link