Rio Ferdinand ayaa u sheegay taageerayaasha Man United in ay khaladaad ka fishaan Goolhaye Andre Onana hadii uu ku biiro kooxda ku ciyaarta Old Trafford.
Iyada oo uu David de Gea xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda, Erik Ten Hag ayaa Onana u calaamadsaday bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Man United dhinaca goolka.
Ten Hag ayaa Onana kula soo shaqeeyay Wakhtigoodii Ajax waxana uu doonayaa in uu kula midoobo xiddiga kooxda Man United suuqa xagaagan.
Onana ayaa lagu amaanaa in uu kubada ku ciyaaro lugta halka uu David De Gea iska fogeeyo marka uu kubada helo oo uuna baas ciyaari karin.
Qaab ciyaareedka Onana ee baaska ayaa ah mid halis weyn leh Ferdinand ayaana sheegay in arintaas sabab u noqon doonto in uu khaladaad sameeyo.
“Waxa uu Man United siin doonaa kalsooni ay kubada baas ugu ciyaaraan dhinaca daafaca waana mid uu Ten Hag doonayo”ayuu Ferdinand yidhi.
“Waa goolhaye casri ah waxana uu ka caawin doonaa kooxda in ayna khal-khalin marka y kubadu daafaca joogto”.
“Laakiin mid halis ah arintas waxana uu samayn doonaa khaladaad sidaas darteed waa in ay taageerayaashu arintaas fishaan”.
Related