Taageerayaasha Manchester United ayaa doonaya in kooxdu ay dib ula soo saxiixato geesiga shanta gool dhaliyay ee Marcel Sabitzer.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Austria ayaa ku laabtay Bayern kadib markii uu dhamaaday heshiiskii amaahda ahaa ee uu ku joogay Man United isaga oo dhaliyay 3 gool 18 kulan oo uu ciyaaray.
Xiddiga 29 jirka ah ayaa kooxda Bayern Munich kula jira heshiis ilaa sanadka 2025 ah waxana uu ka qayb ahaa kooxdii Bayern Muniche ee xasuuqday kooxda  FC Rottach-Egern.
Xiddiga khadka dhexe ayaa dhaliyay 5 gool xilli ay kooxdiisu 27/0 kaga badisay kooxda ka ciyaarta horyaalka heerka 9-aad ee Germany.
Kadib qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah taageerayaasha Man United ayaa codsaday in ay kooxdu dib ula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe.
Mid ka mid ah taageereyaasha United ayaa ku soo qoray Twitter: “5 gool 20 daqiiqo gudahood, waxaan arkay iftiinka, Sabitzer”.
“Mid labaad ayaa yidhi: “Ma ahayn in sabitzer la sii daayo. Ninku cajiib ayuu ahaa”.
Mid saddexaad ayaa qoray”Sabitzer wuxuu dhaliyay 5 caawa. Ten Hag wuxuu u baahan yahay khadka dhexe oo cajiib ah oo isaga oo kale ah”.
Sii Akhriso: In Ka Badan 30 Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Soo Afjray Magaalo Ku Taalla Somaliya.

Related



Source link