Xilli ciyaareedka premier League 2022/2023 ayaa dhamaad ku dhaw iyada oo ay kaliya kulamo yar ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Laakiin waxa durba la saadaaliyay sida uu noqon doono kala saraynta premier League xilli ciyaareedka soo socda.
Inkasta oo lagu kala baxay horyaalka hadana wali waxa uu tartan adag ka jiraa boosaska loogu soo boxo tartamada yurub.
Supercomputer ayaa saadaaliyay sida uu ku dhamaan doono xilli ciyaareedka dambe ee 2023/2024 ka dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Supercomputer ayaa kooxda Man City u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.
Sidoo kale waxa uu kooxaha Arsenal iyo Liverpool ku dhamaystan doonaan kaalinta 2-aad iyo 3-aad halka ay Man United dhamaystiri doonto 4-ta koox ugu saraysa.

Related



Source link