Supercomputer ayaa saadaaliyay sida uu noqon doono kala saraynta horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo lagu jiro isku diyaarinta xilli ciyaareedka taageerayaal badan ayaa saadaalinaya halka ay kooxdoodu kaga dhamaysan doonto xilli ciyaareedka cusub.
Supercomputer ayaa haatan saadaaliyay sida uu noqon doono horyaalka premier League xilli ciyaareedka soo socds.
Waxa uu Supercomputers ku qiimaynayaa saadaashiisa kulamada la ciyaari doono si uu u qiimeeyo meesha ay kooxdu kaga dhamaysan doonto horyaalka.
Supercomputer ayaa kooxda Man City u saadaaliyay in ay markii 4-aad oo xidhiidh ah ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Sidoo kale kooxda Arsenal ayuu u saadaaliyay in ay kaalinta 2-aad kaga dhamaysan doonto kala saraynta horyaalka premier League halka Liverpool loo saadaaliyay ku dhamaysiga kaalinta 3-aad xilli ay Man United ku dhamaysan doonto kaalint 4-aad.
Related