Supercomputer ayaa saadaaliyay sida uu u ekaan doono Kala saraynta Premier League dhamaadka xili ciyaareedka iyo halka ay ku dhamaysan doonaan kooxaha waa weyn sida Manchester United, Liverpool iyo Arsenal.
Manchester City ayaa xilli ciyaareedkan si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyaga oo badiyay 4-tii kulan ee ay ciyaareen premier League iyaga oo hogaaminaya premier League.
Dhanka kale Tottenham, Liverpool, West Ham iyo Arsenal ayaa dhamaantood ku wada jira kaalinta labaad iyaga oo leh 10 dhibcood.
Markii ugu horeysay, shan kooxood ayaa u soo bixi kara Champions League xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii UEFA ay xaqiijisay in afar kooxood oo kale oo Yurub ah lagu dari doono isku aadka iyadoo ku xiran wadamada ugu bandhiga wanaagsan dhamaan tartamada UEFA.
Xogta Opta ayaa hadda saadaalisay kooxaha ku dhamaysan doona kaalmaha ugu sareeya ee premier League iyadoo Manchester United, Chelsea iyo Newcastle loo saadaalinayo inay ku dhammaysan doonaan meel ka baxsan afarta sare.
Man City ayaa 99.99% loo saadaaliyay in ay u soo bixi doonto Champions League kuna guulaysan doonto horyaalka premier League.
Liverpool ayaa loo saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonto kaalinta 2-aad halka Arsenal loo saadaaliyay kaalinta 3-aad ee kala saraynta xilli Tottenham loo saadaaliyay kaalinta 4-aad.
Kooxda Man United ayaa loo saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonto kaalinta 5-aad laakiin u soo bixi doonto champions League.
Chelsea ayaa loo saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonto kaalinta 11-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.
Man City
Liverpool
Arsenal
Tottenham
Man Utd
Brighton
Newcastle
West Ham
Aston Villa
Brentford
Chelsea
Related