Arsenal ayaa laba guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka premier League kadib markii ay 6 dhibcood ka heleen labadii kulan ee ay ciyaareen.
Gunners ayaan wali ku jirin qaab ciyaareedkii laga filayay laakiin waxa ay heleen dhibcaha ay u baahanyihiin inkasta oo ayna si fiican u ciyaarin labadii kulan ee ay ciyaareen.
SuperComputer ayaa 42% fursad u siiyay Arsenal in ay ku dhamaysato kaalinta 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa u dagaalamaysa ku guulaysiga horyaalka premier League kadib markii ay kaalinta 2-aad ka gashay premier League.
Kooxda Mikel Arteta ayaa xilli ciyaareedkii hore inta ugu badan hogaaminaysay horyaalka premier League kadib markii ay lumisay horyaalka todobaadyadii ugu dambeeyay.

Related



Source link