Wareega group-yada Champions League ayaa soo laabanaya usbuucan, iyadoo oo kooxaha ka qayb galaya ay isku diyaarinayaan in ay ku tartamaan tartanka.
Supercomputer ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta tartanka xilli ciyaareedkan.
Kooxda Man City ayaa ugu cad-cad kooxda ku guulaysanaysa tartanka kadib markii ay ku guulaystay koobka xilli ciyaareedkii hore.
Kooxda Arsenal ayaa 38% haysata fursad ay ku gaadhi karto Semi-final-ka tartanka champions League laakiin waxa loo saadaaliyay in ay guuldaro kala kulmi doonto Man City ama Bayern Munich.
Kooxda Man United aya loo saadaaliyay in ay ka gudubto kaliya Wareega 16-ka champions League xilli ciyaareedkan.
Kooxda Newcastle ayaa loo saadaaliyay 31% in ay iska xaadiriso 16-ka ee tartanka champions League.
Kooxda Bayern Munich ayaa loo saadaaliyay 13.2% in ay ku guulaysato champions League halka Real Madrid ay 10.3% fursad u haysato ku guulaysiga koobka.

Related



Source link