Dawlada Sucuudiga ayaa bilowday ka shaqaynta saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe sida ay sheegayaan wararka imanaya France.
Kooxda PSG ayaa go’aamisay in ay iska iibiso xiddiga Kylian Mbappe halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xagaaga dambe kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.
Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana ay kooxdu go’aamisay in ay iska iibiso halkii ay xor ku waayi lahayd xagaaga dambe.
Sida laga soo xigtay Santi Aouna, sucuudiga ayaa bilaabay qorshaha ay ku soo xero galinayaan xiddiga Kylian Mbappe inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xgaaga.
Kadib markii ay ku fashilmeen in ay Messi keenaan sucuudiga dawlada Sucuudiga ayaa isku dayayga in ay dalab waali ah miiska u saaraan Mbappe si uu ugu biro kooxda Al-Hilal.
Si kasta ha ahaatee ilaa haatan go’aanka Mbappe ayaa ah in uu doonayo in uu sii joogo kooxda PSG xilli ciyaareedka soo socda.
Sii Akhriso: Xukuumada Somaliya Oo Bilaabaysa Wajiga 2-aad Ee Dagaalka Al-Shabaab, Wax Ka Ogow Dagmooyinka Ay Al-Shabaab Haatan Maamusho.
Related