Horyaalka Sucuudiga ayaa sii wada soo jiidashada xiddigaha iyo tababarayaasha ugu magac weyn qaarada yurub.
Kooxda ka ciyaarta horyaalka Sucuudiga ee AlEttifaq ayaa Xiddigii hore ee Liverpool Steven Gerrard u magacawday tababarohooda cusub.
Kooxda AlEttifaq ayaa Steven Gerrard ka dhigtay tababaraha hogaamin doona xilli ciyaareedka dambe.
Gerrard ayaa bilaa shaqo ahaa tan ilaa markii laga caydhiyay shaqada tababaranimo ee kooxda Aston Villa intii uu socday xilli ciyaareedkii dhamaaday.
AlEttifaq ayaa Gerrard ka dhigaysa magacii ugu weynaa ee dhinaca tababarka ee yimaada horyaalka Sucuudiga xagaagan.

Related



Source link