Kooxda Southampton ayaa ka jawaabtay dalabkii ugu horeeyay ee ay Liverpool ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia sida ay sheegayaan wararku.
Liverpool ayaa saaka heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Romeo Lavia iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe ee kooxda.
Reds ayaa haatan Southampton miiska u saartay dalab Rasmi ah oo dhan 37 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga khadka dhexe.
Si kasta ha ahaatee Southampton ayaa isla markiiba diiday dalabka Liverpool ka soo gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia.
Southampton ayaa diyaar u ah in ay iibiso xiddiga khadka dhexe una ogolaato ku biirista Anfield laakiin waxa ay doonaysaa lacag dhan 50 milyan oo euro.
Sii Akhriso: Ciidanka xoogga dalka Somaliya Oo Nawaaxiga Degmada Waajid ku dilay 25 Al-Shabaab Ah.
Related