Nairobi (soomaalinews.com) – Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawda Soomaaliya Fardowso Cismaan Cigaal ayaa maanta heshiis duulimaad la saxiixatay dhigeeda dalka Kenya Kipchumba Mukomen.

Heshiiska cusub ee maanta ay kala saxiixdeen wasiiradaan kala metelayey Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhigaya in diyaaradaha ka diiwaan gashan gudaha Soomaaliya ay duulimaadyo ku tegi karaan dalka Kenya.

Sidoo kale heshiiskaan xoojinaya wada shaqaynta duulimaad ee Soomaaliya iyo Kenya, hey’adaha labada dowladood u qaabilsan duulimaadyada hawada ayaa lagu heshiiyey inay aqoon is weydaarsi sameeyaan.

“Waxaan maanta saxiixnay heshiis duulimaad hawada ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, faa’iidada Soomaalida ugu jirta waa in dalkaan Kenya loo fasaxayo diyaaradaha Taargada Soomaaliya wata,” ayey tiri Wasiir Fardowso.

Sidoo kale wasiir Fardowso waxay xustay in faa’iido badan ay ugu jirto heshiiskaan ganacsatada Soomaaliyeed ee iska leh diyaaradaha Soomaaliya ka diiwaan gashan oo hadda loo ogolaaday inay Kenya imaadaan.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Ambassador Maxamed Axmednuur (Tarsan), Agasimaha Guud Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macalin iyo masuuliyiin ayaa wasiir Fardowso ku wehliyey kulankii ay ku saxiixday heshiiskaas.

Sidoo kale guddiyada diyaaradaha labada dal ayaa shirka lagu saxiixay heshiiskaan ku wehliyey wasiirrada gaadiid iyo duulista hawada ee labada dowladood.

“Wax kasta oo xuquuq ah oo duulimaadka Kenya ay yeeshaan ayey yeeka doonaan shacabka Soomaaliyeed, heshiiskaan ma ahan qarsoodi, Muqdisho iyo Nairobi ayey u kala gooshi doonaan diyaaradaha labada dalka, hadda ayuu heshiiskaan horay ka dhaqan gelayaa,” ayey tiri wasiir Fardowso oo heshiiskaan ku saxiixday magaalada Nairobi.

Hoos ka daawo

 





Source link