Fiorentina ayaa lagu soo waramayaa in ay u ogolaatay xiddiga xulka qaranka Morocco Sofyan Amrabat In uu u duulo England si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Man United.
Kadib hadal hayn muddo qaadatay Man United ayaa la fahamsanyahay in ay wadahadalo dhab ah kula jirto Fiorentian si ay u hesho xiddiga 27 jirka ah.
Sida laga soo xigtay Football Insider, Man United ayaa horumar ka samaysay wadahadalada ay ku doonayso xiddiga reer Morocco.
Wararka ayaa sheegaya haatan in uu Ambrabat u duulayo Manchester si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Man United.
Heshiiska xiddiga khadka dhexe ee Fiorentina ayuu ka dhimanyahay hal sano waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.
Man United ayaa markii hore ku fashilantay dalab amaah ah oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Related



Source link