Sofyan Amrabat ayaa sheegay inuu damacsanaa inuu ku biiro Manchester United inkastoo xagaagan uu xiiso ka helay Liverpool.
Xiddiga Morocco ayaa dhameystiray ku biiristiisa United maalintii ugu dambeysay isagoo ka yimid Fiorentina iyada oo kooxdu si toos ah ula wareegi karto xiddiga xagaaga.
Si kasta ah ahaatee waxa sidoo kale lala xidhiidhinayay kooxda Liverpool kuwaas oo doonayay in ay xoojiyaan khadka dhexe.
Wararka ayaa todobaadkan sheegayay in uu Ambrabt aad ugu dhawaa in uu ku biiro kooxda Liverpool isaga oo xitaa la Hadlay Klopp.
Laakin Amrabat ayaa sheegay in uu mar walba doonayay in uu ku biiro Man United si uu ula midoobo Erik Ten Hag.
“Kooxo badan ayaa i doonayay laakiin mar walba waxa aan doonayay in aan ku biiro Man United”ayuu Yidhi.

Related



Source link