Sofyan Amrabat ayaa wali sugaya in uu ku biiro Man United saacadaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga kadib markii ay Fulham dalab Rasmi ah oo dhan 30 milyan ka gudbisay saxiixa xiddiga.
Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sergio Reguilon oo ay amaah ugula soo wareegeen kooxda Tottenham si ay ugu xoojiyaan daafaca.
United ayaa ku dhibaatoonaysa dhinaca dhaqaalaha waxana todobaadkii hore laga diiday dalab 2 milyan oo amaah ah oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga Amrabat.
Fulham ayaa haatan Man United kaga horaysa tartanka Amrabat iyaga oo dalab Rasmi ah oo 30 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Amrabat.
Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Alfredo Pedulla, Amrabat ayaa iska diiday u dhaqaaqista kooxda Fulham waxana uu wali sugayaa u dhaqaaqista Man United.
Waxa la fahamsanyahay in Man United tahay kooxda uu Amrabat doonayo in uu ku biiro xagaagan oo dhan.

Related



Source link