Smith Rowe ayaa si gaar ah isha ugu hayay dhaq dhaqaaqyada suuqa kala iibsiga ee Arsenal, gaar ahaan baacsiga ay ku doonayaan Declan Rice oo kaga imaanaya West Ham, kaasoo ku kacaya 105 milyan.
Waxa uu u sheegay SunSport: “Waan arkaa waxa dhaca, waxaana iska cad in ay u fiican tahay kooxdu ay is xoojiso, waxan dareemayaa in xiddigaha lagu soo daray kooxda ay si dhab ah u caawin doonaan in ay kooxdu horumarto”.
“Runtii waa wax aad u xiiso badan, waxaana rajeyneynaa inaan hal tallaabo u sii socon karno xilli ciyaareedka soo socda”.
“Kama hadli karo si ku filan isaga. Waxaan xusuustaa tababarka markii ugu horaysay, waxa aan la yaabay sida uu u fiicanyahay, Wuxuu ahaa midka ugu fiican tababarka. Kaliya heerkiisa, xoojinta, farsamo ahaan, wax kasta oo uu sameynayo”.
“Hogaamiye dhab ah oo weli aad u da’yar. Runtii aad buu u wanaagsanaa”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link