Garoowe (soomaalinews.com) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan Garoowe, kaas oo ka dhashay muranka hareeyay doorashooyinka ee u dhexeeyo mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Deni.

Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka oo war culus soo saartay ayaa maanta jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo shaaciyay in mucaaradka ay diideen wadahadal ku saabsan arrinta doorashooyinka qof iyo codka ah, si ugu dambeyn xal waara looga gaaro.

Siyaasiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in aysan ka war qabin shir looga hadlayo doorashada oo lagu casuumay, waxayna waxba kama jiraan ku tilmaameen hadalka wasiir Juxa.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in hadalkan uu yahay farriin been abuur ah iyo nooc wax isdaba marin ah, sida ay hadalka u dhigeen.

“Madasha Siyaasadda Puntland kama warqabto shirar/wadahadallo horay loo sii qorsheeyay oo looga hadlayo qalalaasaha doorashada Golayaasha degaanka Puntland balse waxaan u aragnaa arrintan inay tahay fariin been abuur ah iyo wax is daba mari”. ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay mucaaradka Puntland ee ku kacsan madaxweyne Deni.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Deni uu ku dhowaaqay go’aan la xiriira doorashada iyo qorshaha xukuumaddiisa, isaga oo shaaciyay in xilligeeda ay ku dhaceyso, taas oo ay si weyn uga soo horjeedaan siyaasiyiinta mucaaradka ee dowlad goboleedka Puntland.

Saciid Deni ayaa tilmaamay in aysan jiri doonin cid hor-istaagi karta qabsoomida doorashadan oo ah mida golaha deegaanka oo haatan si weyn la’isugu hayo.

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada, ayada oo ay sii dheer tahay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana la filayaa in doorashada ay billaabatio 25-ka bishan May, walow ay ka biyo diidan yihiin xubnaha mucaaradka Puntland.





Source link