Maamulaha PR Sadio Mane ayaa si la yaab leh u sheegay in ka tagistiisa Bayern Munich aysan ahayn arimo kubadeed laakiin ay garan waayeen sida uu xiddig Afrikaan ah u yahay xiddiga ugu mushaharka badan kooxda.
Mane ayaa Todobaadkii hore 34 milyan ugu biiray kooxda Al-Nassr isaga oo isaga tagay kooxda hal sano kadib markii uu joogay kooxda.
Xiddiga 31 jirka ah oo sanadkii ku qaadanaya 34 milyan oo euro ayaa Al-Nassr kula biiray xiddiga Cristiano Ronaldo.
Mane ayaa xagaagii hore ku biiray Bayern Munich laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu la qabsado waxana uu dhaliyay kaliya 12 gool.
Markii uu xiddigu ku soo biiray Bayern Munich, Mane ayaa la siiyay mushahar dhan 20 milyan oo euro sanadkii taas oo la macno ah in uu ahaa xiddiga ugu mushaharka badna kooxda.
Mushaharka sare ee Mane ayaa keentay in uu dhaleecayn la kulmo laakiin Maamulaha PR ee Mane ayaa haatan u jawaabay Bayern Munich kadib bixitaankiisii kooxda.
“Bayern arimo dhinaca ciyaaraha khusaysa umay iibin Mane”ayuu u sheegay RMC.
“Mushaharka Sadio Mane ayaa dhibay Bayern, may garanayn sababta xiddig ka soo jeeda Africa uu yahay xiddiga ugu mushaharka badan kooxda kana horeeyo xiddigaha kale sidaas darteed waxa ay go’aansadeen in ay iska diraan”.

Related



Source link