Suuqa Liverpool ayaa waji cusub yeeshay iyada oo xilli ciyaareedka kooxdu aad u dhawyahay.
Klopp ayaa la filayay in uu ka baxay suuqa kala iibsiga kadib markii uu kooxdiisa keenay xiddigaha Alexis Mac Allister & Dominik Szoboszlai.
Liverpool ayaa horay u fasaxday xiddigaha Roberto Firmino, James Milner, Alex Oxlade Chamberlain & Naby Keita kuwaas oo uu heshiiskoodu dhacay.
Laakiin Reds ayaa waayi doonta xiddigaha khadka dhexe ee Henderson, Fabinho & Thiago kuwaas oo dalabyo lama filaan ah helay.
Xiddigaha Henderson & Fabinho ayaa dalabyo ka helay kooxaha ka ciyaarta horyaalka sucuudiga kuwas oo doonaya in ay aqbalaan dalabkaas.
Sidoo kale xiddiga khadka dhexe ee Thiago ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxda Barcelona iyada oo Xavi doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa.
Hadaba wargayska Mirror ayaa soo bandhigay sida ay noqon karto shaxda Barcelona hadii ay xiddigaha Henderson, Fabinho & Thiago ka tagaan Liverpool.

Sii Akhriso: Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Fariin U Diray Masuuliyiinta Loo Haysto Musuq-Maasuqa

Related



Source link