Muqdisho (soomaalinews.com) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kaas oo lagu soo bandhigay laba warbixin oo muhiim ah.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, maadaama uu weli ra’iisul wasaaruhu safar ugu maqan-yahay dalka Masar.

Labada warbixin ee shirka diiradda lagu saaray midood waxaa lagu gorfeeyay xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan Beleweyne oo ay dhowaan ku dhufatay fatahaad xoogan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaana golaha u soo bandhigtay warbixin la xiriirta Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, taas oo saameyn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku nool deegaannada uu wabigu ku fatahay.

Sidoo kale warbixinta labaad ayaa looga hadlay imtixaanka shahaadiga ah ee ay sanadkan qaadeyso dowladda federaalka, kaas oo haatan aad loogu diyaar garoobayo.

Dhankeeda wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ayaa shirka kusoo bandhigtay warbixin ku aaddan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sannad dugsiyeedka 2022-2023.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale kulankooda kusoo hadal qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee weli ka socda gobollada dalka, kaas oo guul weyn laga gaaray.

Golaha ayaa boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, gaar ahaan guulihuu u dambeeyay ee ay ka soo hoyeen howlgallada xoreynta ee ka socda dalka.

“Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidammadu ka gaareen dagaalka looga sifeynayo dalka kooxaha Khawaarijta iyo hirgelinta qaraarkii Golaha Wasiirrada ee nidaaminta Bajaajta caasimadda oo dhaqan galay maanta oo khamiis ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay shirka golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.





Source link