Dhuusamareeb (soomaalinews.com) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta gaaray guddoomiyeyaasha labada Gole ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah xildhibaano ka tirsan labada Aqal, ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaladaasi.
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo madax kale ayaa guddoomiyeyaasha iyo xubnaha la socda uga hortegay garoonka Dhuusamareeb.
Intaas kadib madaxda ayaa waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada Galmudug oo uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxaamuud oo bishii labaad jooga halkaasi.
Ujeedka Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa ah inay u kuur galaan xaaladda Galmudug, gaar ahaan howlgallada ka socda gobollada dhexe ee dalka.
Sidoo kale waxa ay kulamo la yeelan doonaan madaxweynaha, masuuliyiinta ku sugan halkaas iyo saraakiisha ciidamada, si ay xog uga helaan gulufka ka socda Galmudug.
Dhuusamareeb ayaa waxaa haatan laga hagayaa howlgallada culus ee ka socda Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba, Mas’uuliyiintii ugu badnayd ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa ku sugan furimaha dagaalka, si ay u dhiirogeliyaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.
amuud