Waxa la soo afjaray kulamadii Semi-final-ka tartanka champions league iyada oo ay laba kooxood iska xaadiriyeen final-ka tartanka.
Kooxaha Inter iyo Man City ayaa iska xaadiriyay final-ka champions League iyaga oo ku dagaalami doona ku guulaysiga koobka dhagaha weyn.
Kadib kulamadii Semi-final-ka UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee todobaadka champions League.
Waxa la soo xushay xiddigaha sida fiican u ciyaaray kulamadii salaasadii iyo Arbacadii la soo dhaafay ee tartanka champions League.
Kooxaha iska xaadiriyay Final-ka ee Inter iyo City aya shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku kala leh City (5) Inter (4).
Kooxda Ac Milan ayaa shaxda ku leh kaliya hal xiddig kaas oo ahaa xiddig da’yar ah oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii kooxdiisa.
Related