Arsenal ayaa haatanba lala xidhiidhinayaa xiddigo badan ka hor xilli ciyaareedka 2023/2024.
Gunners ayaa ku riyaaqday xilli ciyaareed cajiib ah iyaga oo ku dhamaystay kaalinta 2-aad muddo dheerna hogaanka u hayeen horyaalka premier League.
Mikel Arteta ayaa durba bilaabay qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe isaga oo doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa si uu xilli ciyaareedka dambe mar kale ugu tartamo horyaalka.
Kooxda Arsenal ayaa lala xidhiidhinyaa xiddigo badan oo kala duwan iyada oo kooxdu isku diyaarinayso in ay lacag badna suuqa galiso.
Wargayska Mirror ayaa soo saaray shaxda riyada ee tababare Mikel Arteta bilowga xilli ciyaaeedka soo socda.
Shaxda Mirror ee Riyada Arteta waxa ku jira 4 xiddig oo cusub kuwaas oo kala ah hal xiddig oo daafaca Midig ah, laba xiddig oo khadka dhexe ah iyo xiddig oo weeraryahan ah.

Related



Source link