Kooxda chelsea ayaa qada isku shaandhayn suuqa kala iibsiga ah iyaga oo dib u dhisaya kooxda tababare Mauricio Pochettino ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Waxa jira xiddigo haatanba ka tagay Blues halka ay sidoo kale xiddigo ka ka tagi doonaan toodbaadyada ama maalmaha soo socda.
Blues ayaa lacag waali ah galisay kooxda laakiin waxa haatan laga sugayaa in ay yareeyaan kooxdooda si ay isaga ilaaliyaan in ay jabiyaan heerka dhaqaale wanaaga.
Xiddiga N’Golo Kante ayaa ah xiddiga la xaqiijiyay in uu ka tagay kooxda chelsea halka Kovacic sidoo kale ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda chelsea.
Laakiin waxa jira xiddigo ay ka mid yihiin Mendy, Koulibaly, Mount iyo xiddigo kale oo ka tagi doona kooxda chelsea inta uu furanyahay suuqa xagaaga.
Waxa shax laga sameeyay xiddigaha ka tagi doona kooxda chelsea inta uu furanyahay suuqa xagaaga ama kuwa haatanba ka tagay Blues.
Related