Muqdisho (soomaalinews.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaallada sokeeye iyo dhiiga ku daadanaya qaar kamid ah magaalooyinka dalka, xilli lagu jiro maalmihii xorriyadda iyo weliba bisha xurmada leh.

Shariif ayaa ugu horreyn waxa uu umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda 26-ka Juun, 63 guuradii ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska gobollada Waqooyi ee dalka (Somaliland).

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu shaaciyay in dhiiga daadanaya iyo dagaallada sokeeye ee soo noq-noqday ay aas-aas u yihiin cadaalad darro baahsan oo ka jirta dalka.

“Waxaa xanuun leh in maanta meelo badan dalka dhibaato ay ka jirto, dhiig Soomaaliyeed daadanaayo oo laga baaqsan karo lana arki waayay bisha xormada leh iyo dhiigga xormada leh labadaba ayna u daadanayaan si masuuliyad darro ah,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Dagaallada Sokeeye iyo dhiigga daadanaya runtii waxaa aas-aas u ah cadaalad darro iyo dulmi dhexdeena ka jira, Ilaahay umaddaan Islaamka waxa uu ku amaanay inay tahay umadda ugu fiican umadaha laba sabab dartooda, waxay iska reebaan xumaanta oo waxay is faraan wanaaga.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda sare ee dalka in la joojiyo colaadda iyo dhiigga ku daadanaaya qaar ka mid ah magaalooyinka dalka.

“Bishaan Carafo oo ah bil barakeysan oo Muslimiinta aad ugu weyn, waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba shacab iyo masuuliyiin in la joojiyo dhiigga daadanaayo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in umadda Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan, islamarkaana ay ka hor istaagan dulmiga, iyaga oo isfaraya wixii wanaagsan, si dalkaan uu hore ugu sii socdo.

“Dal wanaagsan oo waasic ah ayaa Ilaahay inoogu deeqay, umad Muslimiin ah oo wanaagsan oo runtii u baahan in loo adeego ayaa Ilaahay noogu deeqay, marka waa in aan masuuliyadeeda qaadano.”





Source link