Garoowe (soomaalinews.com) – Ku dhawaad afar boqol oo kun oo shacabka Puntland ah ayaa maanta u dareeray goobaha codeynta doorashada ee Golaha Deegaanka.

Inkasta oo ay jiraan ururo siyaasadeed oo qaadacay hanaankan, haddana nidaamka Saciid Cabdullaahi Deni taas uma joojin.

Magaalada Ganacsiga ee Boosaaso waa meesha ugu weyn ee ay maanta ka socoto doorashadu, wallow magaalada caasimada aheyd ee Garoowe iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Nugaal laga diiday doorashadan.

Labada urur siyaasadeed ee Kaah iyo Mideeye ayuu dhex-yaalla loolanka ugu weyn ee doorashadan.

Haddaba, warbixintan waxaynu ku eegayna shan dhinac;

1. Maxay uga dhigan tahay reer Puntland?

Dadka reer Puntland waxay maanta uga dhigan tahay maalin gaar ah, in afar boqol kun oo qof oo reer Puntland ah ay dooranayaan dadkii maamuli lahaa deegaanadooda, “waa guul bulsho iyo mid maamul oo aan indhaha laga qarsan karin.”

Waxay tani caawineysa horumarka deegaanka, waxay sahli doonta isla xisaabtanka, waxay dhinaca kale wiiqi doonta hanaankii duugoobay ee qabaliga ahaa ee ku kabmay dowladnimada Soomaaliya labadeeda heer.

2. Siyaasiyiinta diidan doorashadan

Inta badan siyaasiyiinta waaweyn ee reer Puntland waa diidan yihiin doorashadan, waxay muujinayaan inay dhici karto ku shubasho.

Qaar waxay qabaan in halkii hore la joogo oo xisaabtii beeluhu sidii ku socota, qaarna waxay ku doodayaan in ururadan ay hal reer yihiin oo aanay sax aheyn “in Puntland ay hal reer kala doorato.”

Dooddahan oo qaar loo qaateen yihiin ma caawin in hanaanka doorashada hakiyaan, shacabkuna markii xilligaan oo kale lasoo gaaro hoos uma degaan.

Siyaasiyiintu waxay hadda ku qasban yihiin inay doorashadan aqbalaan, Saciid-na ay kala doodaan waxa xiga, gaar ahaan doorashada madaxtooyadda ee 8-da Janaayo.

3. Doonistii beesha caalamka

Beesha caalamku waxay malaayiin dollar ku bixisay 15-kii sano ee lasoo dhaafay in Soomaalidu gaarto in madaxda shacabku soo doortaan oo laga gudbo hanaanka qabiilka.

Somaliland, inkasta oo iyadu gooni isu-taag ay sheegato haddana waxay aheyd meesha qudha ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya ka tirsan ee dadku madaxdooda doortaan.

Tallaabada maanta ee Puntland waxay beesha caalamka siinaysa rejo ah “in maalgalintoodii ay ku dhowdahay miro-dhal oo mustaqbalka dhow ay dhamaan maamullada dhabahan wada raaci doonaan.”

4. Maamul-goboleedyada kale

Codeynta maanta ka socotay Puntland waxay farriin u tahay dhamaan maamul goboleedyada kale ee ka jira Soomaaliya. Puntland waxay muujinaysa waxa ay kaga duwan tahay maamullada kale.

Inkasta oo ay 24-sano jirto oo ay leedahay waayo-aragnimo ka duwan maamullada kale, haddana tani waa cashir aan laga boodin oo maamullada kale uga baahan “inay qaatan, dariiqana u jiheeyaan dadkooda, kaas oo xambaarsan ilbaxnimo, amni iyo isla-xisaabtan.”

5. Maxay uga dhigan tahay Saciid Deni

Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu u muuqda inuu ka adkaaday raggii ay isku hayeen doorashada, oo uu ku adkeystay inuu si walba qabto. Inkasta oo deegaanada qaar ay doorashadu ka socon sida magaalada caasimada ah ee Garoowe, haddana tani waxay Saciid Deni u xoojin kartaa diiwaankiisa.

Isaga oo qabtay doorashadii goleyaasha deegaanka, haddii uu haddana tii madaxtooyada xilligeeda ku qabto waxay wax badan ka tari doonta “fursadiisa siyaasiga ah ee maanta iyo middiisa berri.”





Source link