Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel xasaasi ah iyada oo kooxuhu wakhti tartan kula jiraan si ay u dhamaystiraan xiddigaha ay doonayaan.
Kooxo badan ayaa dadaal ugu jira sidii ay u dhamaystiri lahaayeen xiddigaha ay doonayaan ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada laga yaabo in la dhamaystiro todobaadkan.
Sofyan Amrabat -> Manchester United:
Man United ayaa aad loola xidhiidhinayaa xiddiga khadka dhexe ee reer Morocco kaas oo suuqa yaala si uu uga tago kooxdiisa.
Xiddiga Fiorentina ayaa laga yaabaa in uu noqdo saxiixa cusub ee yimaado Old Trafford xilli uu Ten Hag dib u dhisayo kooxdiisa.
Romeo Lavia -> Chelsea:
Kooxda chelsea ayaa mar kale Liverpool ku garaaci karta saxiix iyada oo haatanba heshiis la gaadhay kooxda Southampton.
Lavia ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda ama maalmaha soo socda noqdo saxiixa cusub ee kooxda chelsea.
Michael Olise > Chelsea:
Kooxda chelsea ayaa wajiyo cusub keentay kooxda xagaagan walina way sii wadaa iyada oo doonaysa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara Crystal Palace ee Michael Olise.
Lucas Paqueta -> Manchester City:
Manchester City ayaa samaysay laba saxiix ilaa iyo haatan xagaagan – Mateo Kovacic iyo Josko Gvardiol – laakiin waxa ay u muuqdaan in ay ku sii dhawaanayaan saxiixoodii saddexaad.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa sii wada baacsiga ay ku dooneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham Lucas Paqueta, waxaana laga yaabaa inay ku dhawaad ​​100 milyan Kula wareegto.

Related



Source link