Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Iñigo Martinez ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Barcelona sida uu xaqiijiyay saxafiga Fabrizio Romano.
Xiddiga Iñigo Martinez ayaa qaab xor ah uga tagay kooxda Athletic Bilbao markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda.
Iñigo Martinez ayaa qaab xor ah ugu biiraya kooxda Barcelona waxana uu heshiis la gaadhay bishii March ee la soo dhaafay.
Xiddiga Iñigo Martinez ayaa heshiiska uu ugu biirayo kooxda Barcelona saxiixay bishii May ee la soo dhaafay.
Xiddiga ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2025 ah waxana uu noqday saxiixii ugu horeeyay oo ay Barcelona samaysay xagaagan.

Related



Source link