Atletico Madrid manager Diego Simeone has acknowledged that Yannick Carrasco could join Barcelona this summer.
Laba xilli oo kala duwan, ciyaaryahanka ayaa cadeeyay inuu yahay xiddig muhiim ah isaga oo Atletico Madrid u saftay 187 kulan.
Xiddiga ayaa dhaliyay 47 gool halka uu caawiye ka noqday 44 kale laakiin waxa uu hal sano uga dhimanyahay heshiiskiisa Atletico Madrid.
Horaantii sanadkan, waxaa si weyn loo hadal hayay in Atletico ay heshiis la gaartay Barcelona, kaasoo xiddiga reer Belguim u ogolaanaya in uu ku biiro xagaagan.
Tababaraha Atletico Madrid ee Simeone ayaa haatan xaqiijiyay in ay arintaas jirto heshiiskaasna dhex yaalo labada kooxood xiddiga 29 jirka ahna ku biiri karo Camp Nou.
Isagoo la hadlayay Cope, Simeone ayaa yiri: “Yannick Carrasco wuxuu heystaa fursad uu ugu biiro Barca, taasoo fursad weyn u ah isaga”.
“Waxaan doonayaa in ciyaartoyda wanaagsan ay sii joogaan laakiin hadii ay baxaan wax walba waan uga mahadcelinayaa”ayuu sii raaciyay.
Related