Halyeeyga Manchester United Steve Bruce ayaa ku booriyay Jadon Sancho inuu raali galiyo Erik ten Hag maadaama ay tahay wadada kaliya ee khilaafkooda lagu soo afjari karo.
Sancho ayaa laga saaray kooxda Man United iyada oo laga ganaaxay kooxda 1-aad.
Erik Ten Hag ayaa dhaleeceeyay tababarka xiddiga ka dib kulankii Arsenal.
Sancho ayaa tababarihiisa ugu jawaaabay taas oo keentay in xiddiga laga ganaaxo kooxda 1-aad.
Bruce, oo in ka badan 400 oo kulan u soo ciyaaray Manchester United, ayaa sheegay in sida kaliya ee loo mari karo ay tahay in Sancho uu Sancho raali galiyo tababaraha.
“Habka kaliya ee tan lagu xalin karo waa haddii uu u galo inuu u sheego tababaraha inuu raaligelin ka bixiyo,” Bruce ayaa u sheegay Sky Sports. ‘Wuxuuna raali gelinayaa asxaabtiisa.
Related