Garoowe (soomaalinews.com) – Wararka naga soo gaaraya gobollka Nugaal ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan ay dhaceen qaar kamid ah sanaadiiqda cod-bixinta doorashada Puntland oo la filayo inay beri ka dhacdo deegaanada maamulkaasi.

Ciidamadan oo ka gadoodsan qaabka loo wado doorashada ayaa lagu soo warramaya inay waddada u galeen gaadiid sanaadiiqda u waday degmada Burtinle iyo hareeraheeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan oo taageersan xubno kamida mucaaradka ay qabsadeen sanaadiiqda, isla-markaana ay la wareegeen kahor inta aan la geynin goobaha loo waday, si ay codadkooda ugu ridaan dadweynaha ka qaybgalaya doorashada degaanka.

Sidoo kale muuqaal ay soo duubeen ciidamada dhacay sanaadiiqda ayaa waxa ay ku sheegeen in syan aqbali doonin doorashooin boob ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Sarkaal u hadlay ciidamadan ayaa sidoo kale xusay inay ka tirsan yihiin ciidamada gaarka ee Danab, wuxuuna ku dooday inay u istaageen ka hortagga doorasho aan lagu wada qanacsaneyn oo ka dhacda Puntland, oo sababi karta rabshado iyo gacan ka hadal.

“Waxa aan u sheegeynaa Bulshada Reer Puntland innaga oo katirsan Ciidanka Kumaandooska Danab horayna uga soo horjeesanay doorashada lagu muransan yahay ee boobka ah ee qof iyo goriga ah ee ciidanka lagu gelinayo, waxaa caawa gacanta ku dhignay in badan oo kamid ah sanaadiiqdii Codbixiyaasha iyo warqadihii codbixiyaasha ee deegaanka burtinle & tuulooyinka hoos yimaada” ayuu yiri sarkaalka.

Dhanka kale, ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana haatan ah xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalada oo ka dhalatay muranka doorashooyinka qof codka ah ee maamulkaasi oo ay isku hayaan Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa la filayaa inay beri dhacdo doorashada, waxaana Booliska Puntland uu bandow kusoo rogay guud ahaan maamulkaasi.





Source link