Muqdisho (soomaalinews.com) – Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa waraysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC ku sheegay in Madaxweynaha Puntland uu kula taliyay in uu ka qeybgalo shirarka madaxda Soomaaliya oo waxa uu tabanayo uu halkaa ka sheego.

Safiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in siyaasiyiinta Soomaaliya ay heshiis ka gaaraan awoodaha iyo mas’uuliyada ay kala yeelanayaan labada heer ee dowladda.

Danjire Andre ayaa sheegay in sannadkii iyo barkii uu Soomaaliya joogay ay wax badan iska beddeleen xaaladaha waddanka.

Danjiraha oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland ayaa yiri: “Waxaa aad muhiim u ah in Soomaaliya ay go’aan ka gaarto awoodaha iyo shaqooyinka ay kala yeelanayaan maamullada iyo dowladda dhexe. Si taa loo helo, waxaa muhiim ah in ay dhacaan shirar wadaxaajood, sida kan madasha qaranka oo ay iska dhex arkaan Soomaalida oo dhan. Waxaan jeclaan lahaa in kulamadaas kursi looga banneeyo Somaliland.”

Hase yeeshee safiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in marnaba uusan madaxweyne Deni ku raacsanayn inuu ka maqnaado kulamada Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.

“Kuma raacsani oo xitaa waan u sheegay Madaxweyne Deni in kulamadaas ay ka maqnaato Puntland. Maamul goboleedkaas waxa uu ahaa mid Soomaaliya ka tirsan oo si habsami leh u shaqeynayey muddo 25 sano ah. Waxa uu leeyahay qiso muhiim ah oo uu la wadaagi karo Soomaaliya inteeda kale.”

Deni ayaanan ka qeyb galin shirkii Golaha ee bishii Maarso ka dhacay magaalada Baydhabo. Madaxweynayaasha afar dawlad goboleed oo uusan ku jirin kan Puntland iyo madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa shirkaasi ka qeyb galay.

“Si guul buuxda looga gaaro Soomaaliya, waxaa muhiim ah in Puntland ay qeyb ka tahay. Waxaan Deni u sheegay in xitaa haddii uu ka baaqdo kulamada uu muujiyo aragtida uu ka qabo arrimaha masiiriga laga hadlayay. Laba goor ayaan arrintaa kala hadlay, wax jawaab ahna ima uusan siin,” ayuu yiri danjire Andre.

Bilowgii sannadkan ayuu soo shaac-baxay khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland kaddib markii Puntland ay soo saartay bayaan muran dhaliyay kaas oo tibaaxayay in dowladda dhexe in ay “hagardaamo” ku waddo hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

Sida ku cad dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah.”

Danjiraha oo ka hadlayay qibradda uu u leeyahay Soomaaliya iyo markii ugu horreysay ee uu Soomaaliya tago ayaa yiri:

“Waxaan Soomaaliya markii ugu horreysay booqday sanadkii 2001. Haddii aan isbarbar dhig ku sameeyo sidii ay Soomaaliya ahayd 22 sano ka hor iyo maanta, horumar badan ayay samaysay. Waxaan si weyn ugu kalsoonahay in Soomaaliya ay si buuxda u soo kaban doonto. Waxaase jira dhibaatooyin dhanka dowladnimada ah, amniga ah, bani’aadannimada ah maadaama ay dhacday abaar aan nooceeda horay looga arag Soomaaliya.”

“Dowladda heerarkeeda gobol iyo Federaal ayaa ka shaqeynaya wax ka qabashada arrimahaas, iyadoo gacan ka helaysa saaxiibbadeeda caalamiga ah. Markii aan Soomaaliya tegay January 2022, dalka waxa uu ku jiray xaalad adag, siyaasad xumo awgeed. Bilhii ka horreeyay, waxaa muuqday astaamo u eg kuwii 1990-kii, oo hub urursi iyo rabshado ayaa ka socday wadooyinka.”

“Khatarta ugu weyn ee Soomaaliya haysatay waxa ay ahayd qalalaaso siyaasadeed. Tan iyo sanadkii hore, waxaan aragnay hawlo wanaagsan oo laga qabtay dhinaca dowlad dhiska, kulamo joogto ah oo u dhexeeya madaxda Soomaaliya iyo dhanka amniga oo ay ciidamada Soomaaliya madax bannaanida dhuleed ku soo celiyeen 1/3 dhulkii uu haystay ururka Al-Shabaab.”

Isha: BBC





Source link