Shabakadda Isbaanishka ee “Fichajes” ayaa sheegtay in xiddiga kooxda Bayern Munich ee Sadio Mane uu u sharaxanyahay u dhaqaaqista kooxda Real Madrid inta lagu jiro suqua xagaaga.
Real Madrid ayaa raadineysa weeraryahano cusub xagaagan, ka dib markii uu ka tagay xiddigii weynaa ee reer France Karim Benzema iyo waliba xiddigaha kale ee Marco Asensio iyo Mariano Diaz.
Carlo Ancelotti ayaa doonaya in loo keeno xiddig buuxin kara booska uu baneeyay Karim Benzema kaas oo goolal badan u dhaliyay kooxda intii uu joogay.
Isla wargayska ayaa sheegaya in xiddiga reer Seneal yahay xiddigaha ugu cad-cad in ay xoojiyaan weerarka kooxda Real Madrid xilli ciyaareedka dambe.
Mane ayaan ku jirin wakhti fiican intii uu joogay Bayern Munich waxana uu ku fashilmay in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii laga filayay.
Laakiin Los Blancos ayaa u aragta xiddiga in uu yahay xiddiga ugu haboon ee buuxin kara xiddiga baxay ee Karim Benzema.
Related