Saddex xiddig oo Man City ayuu shaki ku jiraa in ay taam u noqdaan kulanka West Ham ee horyaalka Premier League kulan ka tirsan horyaalka premier League.
Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay ciyaarto kulan adag oo ay u safri doonto West Ham kulan ka tirsan horyaalka premier League.
Guardiola ayaa ku soo laabtay Manchester ka dib seddex isbuuc oo uu ka maqnaa ka dib markii qaliin dhabarka ah lagu sameeyay, iyadoo ciyaartoydiisa caalamiga ah ay soo laabteen arbacadii iyo Khamiista ka hor kulanka kooxda ee London.
Guardiola ayaa dib ugu soo laabtay hogaanka Manchester City ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac laakiin waxa uu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa xiddigaha Jack Grealish, Mateo Kovacic iyo John Stones.
Stones ayaa ka maqnaa garoonka tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan waxama uu ku dhibaatoonayaa in uu taam u noqdo kulamada kooxdiisa.
Stones ayaa laga saaray xulka qaranka England, mana muuqato in uu ku soo laabtay tababarka.

Related



Source link