Garoowe (soomaalinews.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, MudanSaciid Cabdullaahi Deni oo qaaday tallaabo culus ayaa sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis deg deg ah, kadib wareegtooyin uu soo saaray.

Deni ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal, isaga oo dhammaan xilalkii ka qaaday guddoonkii hore ee gobolkaasi oo ay haatan ka jirto xiisad siyaasadeed oo xoogan.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Abshir Faarax, halka ku xigeenkiisa 1-aad uu yahay Mukhtaar Faarax Jeer, waxaana ku xigeenka labaad ah Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir).

Wareegtada ayaa lagu sheegay in sababta isbeddalkan loo sameeyay ay tahay baahi loo qabo dardargelinta maamulka gobolka Nugaal, si horay loogu wado howlaha maamulka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in xubnaha cusub ee la magacaabay lagu xushay aqoon iyo waayo aragnimo shaqo oo ay leeyihiin.

“Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal, Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey:-

  1. Waxaa Cabdiraxamaan Abshir Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal
  2. Waxaa Mukhtaar Faarax Jeer loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-AAD Gobolka Nugaal
  3. Waxaa Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-AAD Gobolka Nugaal
  4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay” ayaa lagu yiri wareegtada.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gardafuu ayaa sidoo kale  isna waxaa loo magacaabay Cumar Cismaan Saciid, sida lagu sheegay wareegto kale oo ay soo saartay madaxtooyada.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa isbeddal ballaaran ku sameeyay taliyeyaasha qeybaha booliska ee gobollada Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag.

G/Sare Maxamed Cali Axmed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal. Waxaa G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Boliiska Gobolka Nugaal isna loo bedelay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar.

Waxaa sidoo kale G/Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag, halka G/Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu.

Dhammaan tallaabooyinkan aya kusoo aadayo, ayada oo Puntland haatan ay wajaheyso xaalad cakiran oo ka dhalatay muranka doorashooyinka oo shaki ka qabaan mucaaradka.





Source link