Kooxda Barcelona ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Neymar xagaagan ka hor inta uuna ku biirin kooxda Al-Hilal.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Barcelona ayaa wayday saxiixa Neymar sabab la xidhiidha joogitaanka Tabbaare Xavi.
Kooxda ayaa aad u doonaysay in ay dib ugu soo celiso kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan laakiin heshiiska ayaan dhicin.
Madaxweynaha Barca Joan Laporta ayaa si gaar ah u xiiseynayay inuu dib ula soo saxiixdo xiddiga reer Brazil.
Waxana uu xitaa la kulmay Nasser Al-Khelaifi Si uu ugala hadlo xaalada dhaqaale, laakiin weeraryahanka ayaa diiday in uu ku laabto kooxda hadii uu Xavi tababare u yahay.
Neymar ayaa hore afar xili ciyaareed ugu soo qaatay Barcelona isaga oo u dhaliyay 105 gool sidoo kale caawiye ka noqday 76 gool 186 kulan oo uu u ciyaaray kooxda reer Catalonia.
Related