Kooxda chelsea ayaa iska diiday fursad ay ku hesho saxiixa xiddiga Jadon Sancho inkasta oo ay Man United ugu soo bandhigtay qiimo aad u jaban.
Xiddiga reer England ayaa ku dhibaatooday in uu awoodiisa ku soo bandhigo Man United waxana uu dhawaan dhaleecayn xoogan kala kulmay tababaraha kooxdiisa.
Inkasta oo uu xiddigu ku dhibaatooday kooxda hadana waxa ay diyaar u ahayd in ay fursad siiso si uu ugu biiro kooxda Pochettino.
Laakiin sabab la xidhiidha niyada xiddiga oo ah mid aan daganayn, chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay iska diiday saxiixiisa.
Kooxda chelsea ayaa badalkiisa u dhaqaaqday xiddiga kooxda Man City ee Cole Palmer kaas oo ay kula soo wareegtay heshiis rikoodh da’yarka ah.

Related



Source link