Martin Keown ayaa aaminsan in shaqada Aaron Ramsdale ee ah in uu dib u helo booskiisa 1-aad ee Kooxda in ay noqon doonto mid adag kadib markii uu David Raya si cajiib ah ku bilowday noloshiisa Arsenal.
Raya ayaa qaab amaah ah ugu soo biiray Arsenal suuqii xagaaga waxana uu ku bilowday labadii kulan ee ugu dambeeyay ee prmeier League.
Goolhayaha reer Spain ayaa mar kale ku bilowday kulankii ay Arsenal guusha weyn ku bilaabatay tartanka champions League.
“Waxa adkaan doonta in uu Ramsdale booska kala boxo Raya, Raya waxa uu dheeryahay Ramsdale sida loola dhaqmo kubada dheer iyo waliba daganaansho badan taasina waa dhibaatada Ramsdale”.
“Waxa uu ka yaryahay 3 ilaa 4 sano, uma muuqdo in uu ku faraxsanyahay in uu kaydka laakiin kaliya naftiisa ayuu horumarin karaa haduu fursad kale helo”.
“Waxa aan qabaa in uu Arteta si joogto ah u ciyaarsiin doono Raya sababta oo ah waxa uu Raya u muuqdaa mid ku dagan booska”.
Related