Arsenal ayaa ku rajo weyn in ay dhamaystirto heshiiska ay kula soo saxiixanayso xiddiga kooxda Ajax ee Jurrien Timber Inkasta oo laga diiday dalabkii furitaanka ahaa oo 30 milayn ahaa.
Heshiiska daafaca ayuu 2 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Ajax waxana uu doonayaa in uu ku biiro kooxda Premier League.
Timber ayaa ku dhawaaday ku biirista kooxda Man United xagaagii hore laakiin waxa uu go’aansaday in uu sii joogo kooxda Ajax.
Go’aankaas ayaa faa’iido u ahaa Arsenal kuwaas oo haatan bilaabay dadaalada ay ku doonayaan saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara iyaga oo doonaya in ay ka garab ciyaarsiiyaan Saliba.
Si kastaba ha ahaatee, wargayska Telegraph ayaa sheegaya in Arteta uu leeyahay qorshayaal waaweyn oo uu ka leeyahay xiddiga reer Netherlands.
Sababta uu Arteta u doonayo saxiixa xiddiga Timber ayaa ah in uu awood u leeyahay in uu ka ciyaari karo 2 boos oo daafaca ah maadama uu awood u leeyahay in uu ka ciyaari karo daafaca dhexe iyo waliba daafaca Garbaka Midig.

Related



Source link