Xiddiga diirada u saaran Manchester United iyo Liverpool Ryan Gravenberch ayaa qirtay in ‘uusan garanayn waxa dhici doona maalmaha soo socda’ iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich uu ka tagayo kooxda reer Germany.
Gravenberch, oo 21 jir ah, ayaa soo jiitay xiisaha Premier League xagaagan ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu isaga tagayo kooxda bayern.
Man United iyo Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha lala xidhiidhinayo xiddiga khadka dhexe kuwaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda.
Xiddiga reer Netherlands ayaa fariin u diray kooxaha premier League isaga oo ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Bayern Munich.
Gravenberch Ayaa haysta maalmo yar hadii uu doonayo in uu ku biiro koox cusub ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.
Markii wax laga waydiiyay hadii uu ka tagayo Bayern ayuu Gravenberch yidhi””Ma garanayo waxa dhici doona maalmaha soo socda”ayuu yidhi.
Related