Halyeeyga kooxda Man United ee Roy Keane Ayaa xiddiga kooxda Man United ee Marcus Rashford ku tilmaamay ilmo yar kadib kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay Tottenham.
Xiddiga reer England ayaa saxiixay heshiis wakhti fog ah xagaagii isaga oo soo afjaray shaki ku jiray mustaqbalkiisa kooxda.
Rashford ayaa hogaaminayay weerarka kooxda kulankii ay Man United la ciyaartay Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
“Rashford waxa uu ka ciyaarayay weerarka tooska ah sidii caadada ahayd, laakiin waxa uu u ciyaaryay sidii ilmo yar”ayuu Roy Keane yidhi.
“Markii ugu horaysay ee uu taabtay kubada ayaa cadaysay in uuna doonayn in uu ka ciyaaro weerarka”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link