Manchester City ayaa isaga baxday tartanka saxiixa Declan Rice, waxayna taasi keentay in ay u muuqato in kabtanka West Ham uu ku wajahan yahay Arsenal xagaagan.
Gunners ayaan qarin rabitaankooda ku aadan Rice kadib markii ay 3 dalab ka gudbiyeen isla markaas dalabkii ugu dambeeyay ahaa mid 105 ah.
Rice ayaa iska diiday ku biirista Man City iyada oo kooxda Pep Guardiola diiday in ay bixiso lacagta ay West Ham doonaysay.
Xiddiga reer England ayaan ahayn xiddigii ugu horeeyay ee iska diiday ku biirista Man City iyo Pep Guardiola waxana jira xiddigo horay u diiday Man City.
Laakiin xiddigaha iska diiday kooxda Man City sida Rice ayaa dhamaantood si weyn ugu fashilmay kooxihii ay ka doorteen Man City.
Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 8 xiddig oo iska diiday Man City laakiin ku fashilmay kooxihii ay ka doorteen Man City.
1.Cristiano Ronaldo:
Xiddiga reer Portugal ayaa ku dhawaa in uu ku biiro kooxda Man City xagaagii hore laakiin Cristiano Ronaldo Ayaa iska diiday City waxana uu ka doortay ku biirista Man United laakiin xiddiga ayaa si weyn ugu fashilmay Red Devils.
2.Marc Cucurella:
City ayaa aheyd kooxdii ugu horeysay ee labo kooxood oo Premier League ah oo lala xiriiriyo daafaca bidix ee Brighton.
Xiddiga ayaa ku dhawaa in uu ku biiro City ka hor inta ayna chelsea ku biirin tartanka xiddiga laakiin Blues ayaa ku guulaystay saxiixa xiddiga kadib markii ay Man City diiday in ay bixiso lacagtii ay Brighton dalbanaysay.
Laakiin Cucurella Ayaa ka shaleeyay waxana uu si weyn ugu fashilmay kooxda Chelsea waxana uu ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii laga filayay.
3.Harry Maguire
4.Paul Pogba
5.Romelu Lukaku
6.Timo Werner
7.Kalidou Koulibaly
8.Alexis Sanchez
Sii Akhriso: XASAASI: Dadka Ku Nool Garoowe Oo Ka Qaxaya Magaalo Madaxda Puntland, Sabab
 

Related



Source link