Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Inter Miami ayaa u soo bandhigtay 35 jirka reer Argentina Lionel Messi 50m euros sanadkii si uu heshiis 4 sano ah ugu saxiixo kooxda ka ciyaarta horyaalka Maraykankan kadib markii la xaqiijiyay in uu ka tagayo PSG (Sport).
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Croatia Luka Modric, oo 37 jir ah, ayaa u sheegay Real Madrid inuu doonayo inuu aqbalo dalab dhan 120m euros oo uga imanaya koox ka ciyaarta horyaalka sucuudiga (Okdiario).
Kooxda Man United ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda dalab Rasmi ah ka gudbiyaan saxiixa xiddiga Mason Nount (Sky Sport).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham Declan Rice ayaa go’aansaday in uu iska diido kooxda Bayern Munich si uu u sii joogo Premier League (Mail).
Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in Arsenal kula tartanto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Decland Rice (Metro).
Kooxda RB Leipzig ayaa Man City u sheegtay in ay bixiyaan lacag dhan 114 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa daafaca Josko Gvardiol (Times).
Kooxda Man City ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee Mateo Kovacic (Football Insider).
Kooxda Inter Milan ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Trevoh Chalobah (Standard).
Arsenal ayaa dalabkeeda furitaanka ka gudbin doonta saxiixa xiddiga Decland Rice kadib final-ka Europa Conference League ee todobaadka soo socda (Fabrizio Romano).
Xiddiga bartilmaameedka u ah Arsenal ee Joao Cancelo ayaa iskd diiday Arsenal sabab la xidhiidha in uuna doonayn ku soo laabashada premier League (AZ).
Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa sheegay in Lionel Messi ku soo dhawayn doono kooxda (Mundo Deportivo).
Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddiga Real Madrid ee Federico Valverde (SPORT).
Karim Benzema ayaa si kastaba ha ahaatee, go’aansaday inuu iska diido u dhaqaaqista Saudi Arabia daqiiqadii ugu dambeysay si uu u sii joogo Real Madrid (Marca).
Xiddiga diirada u saaran Liverpool ee Khephren Thuram ayaa qirtay inuusan haatan ka fikirayn ka dhaqaaqista kooxda Nice (Liverpool Echo).
Kooxda Man United ayaa diyaar u ah In Ay Harry Maguire u soo bandhigto chelsea si ay u hesho saxiixa xiddiga Mason Mount (Mail).
Xiddiga kooxda Al-Nassr Ee Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijiyay In uu sii joogi doono kooxda xilli ciyaareedka dambe (Romano)

Related



Source link