Kooxda Inter Milan ayaa dareenkooda u jeedisay saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Folarin Balogun kadib markii ay ka hadheen Romelu Lukaku.
Inter ayaa markii hore muhiimadooda ka dhigtay saxiixa Lukaku laakiin waxa ay haatan diyaarinayaan in ay 40 milyan oo euro ku dalbadaan xiddiga kooxda Arsenal ee Folarin Balogun.
Arsenal ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga Folarin Balogun kaas oo aan ka mid ahayn qorshaha tababare Mikel Arteta ee xilli ciyaareedkan.
Chelsea ayaa dhinaceeda doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Lukaku laakiin waxa ay u muuqataa in uu haatan caawin karo kooxda Arsenal.
Hadii ay Inter dhamaystirto saxiixa xiddiga Folarin Balogun waxa ay si weyn uga mahad celinaysaa fashilka Lukaku ee saxiixa Inter.

Related



Source link