Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa shaaca ka qaaday sababta uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedka.
Firmino ayaa isaga tagaya kooxda Liverpool kadib 8 sano oo uu joogay kooxda kulana guulaystay koobab badan oo kala duwan.
Kulanka Aston Villa ee ka dhici doona Anfield ayaa noqon doona kulanka ugu dambeya ee uu Firmino ku ciyaari doono garoonka kooxdiisa ee Anfield ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.
“Waxaan isku dayayaa inaan diirada saaro ciyaarta sababtoo ah waa noo muhiim laakiin ciyaarta ka dib waan ooyi doonaa 100%”ayuu yiri Firmino.
“Waxay ii noqon doontaa dareen aniga iyo qoyskaygaba”.
“Maxaan u xiisi doonaa markaan ka tago? wax walba, Saaxiibadeyda kooxda, kooxda, taageerayaasha; Waan jeclahay taageerayaasha, aad bay ii taageereen siddeeddan sano ee aan halkan joogay, Aad baan ugu hanweynahay waxa aan halkan ku wada gaarnay. Wax walba oo ay kooxdu aniga iyo qoyskeyga u samaysay, aad ayaan ugu faraxsanahay wax walba”.
“Waxaa la joogaa waqtigii aan bixi lahaa, Nasiib daro”ayuu sii raaciyay.
“Wakhtigayguu wuu soo dhamaaday waxa la gaadhay wakhtigii aan tagi lahaa, aad ayaan ugu faanayaa wax walba oo aan halkan ka sameeyay iyo waxa aan kula guulaystay kooxda”.

Related



Source link