Garabkii kooxda Man City ee Riyad Mehraz ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Al Ahli ee Sacuudiga
Laacibkaas 32 sano jirka ahaa ayaa hishiiskiisa City waxaa ka harsanaa laba sanno waxa uuna haatan ugu biiray Al Ahli aduun dhan 30 milyan euro
Mehraz ayaa City u yimid sanadkii 2018-dii waxa uuna xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 15 gool ka dib 47 kulan .
“Waxa ay aheyd sharaf in aan u ciyaaro City” ayuu si kooban u yiri Riyad
Horyaalka Sacuudiga ayaa xilli ciyaareedkaan jiitay xiddigo magac ku leh Yurub waxa ayna taasi xiiso u yeeleysa horyaalkaas
 

Related



Source link