“Waxa ay ahayd shaqadaada, waxa aad horyaalka hogaaminaysay 93%”ayuu Rio Ferdinand yidhi markii uu ka hadlay in ay Arsenal ku fashilantay in ay Man City ku garaacdo horyaalka premier League.
“Waxaad ku jirtay booska ugu wanaagsan inaad ku jirtid laakiin waxa aad u bur-burtay si lama filaan ah”.
Dabcan, Man City ayaa ku garaacday Arsenal hanashada horyaalka – talaabadii ugu horreysay ee ay ugu guulaysan kareen saddexley koobab ah.
Rio ayaa markaas wax laga weydiiyay in Manchester United ay sidoo kale ku guuldareysatay inay joojiso Man City finalkii FA Cup, wuxuuna ku jawaabay: “Waa ay dhamaatay ka hor inta aysan bilaaban.
“Ma aaminsanayn in aan Man City ku garaaci karno koobka FA Cup-ka”.
“Waxay ahaayeen kooxda ugu fiican, waxa ay wada joogeen muddo dheer waxana ay isku fahmeen si fiican”.
Arsenal ayaa 248 maalmood ku qaadatay hogaanka horyaalka Premier League, kaliya kuma aysan guuleysanin dhamaadka. waxana ay ka dhigtay kooxdii ugu horaysay ee muddada ugu dheer hogaaminaysay horyaalka laakiin aan ku guulaysan.

Related



Source link